Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Sargaal hore oo xalay la dagaallamay ciidanka dowldda iyo Xildhibaankiisa oo arrintaas ka hadlay

Dowladda Soomaaliya ayaa faahin faahin ka bixisay dagaal xalay xilli dambe ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolkqa Banaadir, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidan uu hoggaaminayay sargaal lagu magacaabo Sheegow oo horay uga tirsanaa ciidanka xoogga iyo ciidamada dowladda ee loo yaqaan Booliis Minataariyo kuwaas oo ilaaliya ammaanka caasimadda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Sheegow Axmed Cali oo ahaa sarkaal horay uga tirsanaa Cidanka Xoogga dalka ee xalay dagaalka la galay ciidanka xasilinta caasimadda iyo 18 ka mid ah ciidankiisa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya sheegay in dagalka ay ku dhinteen seddex ruux, oo labo kamid ah ay ka tirsanaayeen  ciidankii Sheegow Axmed Cali iyo hal asakri  oo dhanka ciimada dowladda ah, dhankale labada dhinac ayaa waxaa ka dhaawacmay min-laba askari sida uu sheegay Afhayeenka Booliisja.

Sadiiq Doodishe ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada hubeysan ee Sheegow ay dhac ka geysanyeen degmada Dharkeenley  muddooyinkii ee la soo dhaafay kuwaas oo xilliga habeenkii moobilada gacanta ka dhici jiray dadka deegaanka, waxana  saldhig u ahay guriga Sargaalkii horay uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya ee Sheegow.

Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa sannadkaan go’aanno ugu soo saartay hubka lagu dhex qaato caasimadda, waxana laga manuunacay masuuliyiinta dowladda ee hadda jooga iyo kuwii hore.

Dhankale Xildhibaan Dahabo Suusow oo ah xildhibaanadda dowladda ku matasho Sheegow ayaa cambaareysay xariga loo gesytay, iyada oo sheegtay in falkaasi uu ahay midab takoor sida ay hadalka u dhigtay, waxaa ay intaasi raacisay in caruur aanan dagaal shaqo ku laheyn oo arday ah iyo shaqaale ay dowladdu xirtay, waxayna ugu baaqday in la soo daayo si deg deg ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed