Dowladda Soomaaliya oo War Kooban Ka Soo Saartay Musuqa iyo Qorshaha Kaga Yaal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ay dagal ba’an la galeyso musuq maasuqa ragaadiyay dowladnimada Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay diiradda saari doonto soo afjarida musuqa ka dhex jira hey’adaha dowladda.

Lunsashada xoolaha dadweynaha, dakhliga yar ee soo gala Xukuumadda, wax is-daba-marinta ayey dowladdu xustay in uu kaga daran yahay dagaalka Al-shabaab, sidaasi waxaa dhowr jeer warbaahinta ka sheegay madaxweynaha Soomaaliyab Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal oo lagu daabacay baraha  Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in la dagaalanka Musaqa uu galay meelo kala duwan si loo ciribtiro maaddaama uu dhibaato xooggan ku hayay soo kabashada dhanka dhaqaalaha iyo horumarka.

Dowladda ayaa sheegtay  in ay xirtay Dad  loo heysto musuq oo aysan sheegin magacyadooda, tiro ahaan , iyo xilalka ay hayaan, kuwaas oo loo heysto eedo ballaaran oo lugta ku haya musuq iyo xoola dadweyne oo lagala baxay khasnada dowladda.

Masuuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in awoodda la saarayo dagaalka musuqa saraakiisha ku legtab leh, kuwaas qaarkood xiran baaritaano ku socdaa, halka ay jiraan kuwa kale oo lagu raad joogo.

Tiro dhowr jeer ah, isbuucyadii la soo dhaafay, Xeer Ilaalinta Soomaaliya ayaa maxkamadda gobolka Banaadir hore geystay shaqsiyaad loo heysto lunsashada xoola dadweyne kuwaas oo intooda badan hey’adaha dowladda, waxayna u badan yihiin Isha dhaqaalaha dalka ee wasaaradda maaliyadda

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed