Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhacdo shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabelle

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war ka soo saartay dhacdo dagaal oo  ka dhacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamada madaxtootada Hirshabeelle iyo ciidanka Danab ee dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa rasaas isku adeegsaday xilli ay ku sugnaayeen  gudaha garoonka diyaaradaha maamulkaas, waxana ka dashay khasaaro kala duwan, inkastoo aanan laga bixib faah faahin rasmi ah.

Maanulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ciidamada Danab ay rasaas ku fureen gaari ilaalada madaxtooyada Jowhar ay ku wadeen guddooniyaha Baarlamaanka maamulkaas.

Halkaan ka Akhriso bayaanka ka soo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed