Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay hishiiskii dhaliyay hadal heyn xooggan ee Itoobiya iyo xukuumadda Somalilnad soona saartay baaq caalami ah

Dowladda Soomaaliya oo adag uga hortimid hishiiskii ay gaareen dowladda Itoobiya iy xukumadda Somaliland, isla markaana dhaliyay hadal heyn  xooggan, xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabaas aanan la aqbali karin, kuna tilaamtay mid khilaafsan sharuucd caalamiga ah iyo tan gobolka.

Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shir aan caadi aheyn isugu yimid, kuwaas  hishiiskii is-af-garadka ahay ee dhexdmaray Itoobiya iyo Somaliland ku sifeeyay fal dhuleed oo sharci darro ah. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aan lagu xadgudbin qeyb ka mid ah dhulka, badda iyo hawada dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah, si ay u soo farageliyaan xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiska. Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diiday heshiiskaas, waxayna heshiiska MOU ku tilmaantay mid “khatar ku ah xiriirka deris wanaagga iyo madax-bannaanideeda.

Baaqa ku aaddan faragelinta caalamiga ah ayaa hoosta ka xarriiqaya halista xaaladdan, maadaama Soomaaliya ay dooneyso in khilaafkan loo wajaho heer caalami ah.

Bilawga arrinta ayaa ah in Itoobiya oo aan bad lahayn ay raadinayso beddelka Jabuuti ee ganacsiga badda. Heshiiskii hordhaca ahaa ee ay la saxeexdeen maamulka Somaliland  ayey jawaab adag ka bixisay dawladda Faderaalka, taas oo muujinaysa dhibaatooyinka ka dhalan kara xasiloonida gobolka.

Iyadoo xiisadda diblomaasiyadeed ay soo shaac baxayso, beesha caalamka ayaa si gaar ah isha ugu haysa, iyadoo Soomaaliya ay wacad ku martay inay ilaalinayso midnimada dhulkeeda, iyadoo ay walaac ka qabto raadinta Itoobiya oo waddo kale oo badda ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed