Dowladda Soomaaliya oo sheegtay is beddelka ku yimid dhaqaalaha taniyo markii ah bilaawday dagaalka musuqa

Dowladda Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray waxa iska beddelay dakhliga dowladda soo galay taniyo markii bilaawday dagaalka ka dhanka musuqa hey’addaha dowladda.

Dabayaaqadii Abriil 2023,  dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal kadhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kaladuwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii kahorreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomalaiyeed xog kooban oo aan helnay taa

dowladda ayaa  isgarab dhig ku sameyneysay dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay sanadkan 2023.

Bisha Kordhinta Fiisaha. Fasaxa shaqada

January $423,950.00 $036,500

February $375,530.00 $071,160

March $268,840 $78,770

April $231,460 $219,290

May $361,470 $386,060

June $480,550 $340,730

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

bayaankaan dowladda ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii dambe Xukuumaddu ah bilaawday in baaritaanno dheeraada ah qaar kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka,  masuuliyiin kala duwan iyo saraakiil ayaa loo xiray musuqa, halka kuwa kalana maxkamad looga yeeray.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed