Dowladda Soomaaliya oo sheegtay tirada macalimiinta ay qaadan doonaan sannadka soo aadan ee 2024

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in dowladda federaalka ay u qoondeysay saddex kun oo macalin oo cusub sanadka 2024-ka.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ugu hambalyeeyay Macalimiinta, Ardayda iyo qoysaska Soomaaliyeed xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed ee 21-ka November.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in dowladdu ay muhiimad gaar ah siineyso horumarinta macallimiinta iyo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed, iyadoo loo arko inay qeyb muhiim ah ka tahay dadaallada dib u dhiska dalka ee socda.

Dhawr bilood ka hor, dawladda federaalku waxay shaqaaleysiisey 3,000 oo macallin oo cusub si ay wax uga qabato farqiga waxbarasho ee weyn. Qorshahaan ayaa daba socday koror afar laab ah oo lagu sameeyay Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee sanadka 2023-ka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed