Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay xireyso Tiktok Telegram iyo 1XBET

Dowladda Soomaaliya ayaa shegtay in ay qorsheyneyso xiritaanka Aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBET kuwaas oo si xooggan looga isticnaalo Soomaaliya.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowlada Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada, waxaana ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.

Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.

Wasaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS waxa ay bilowday Wacyigalin Bulshda looga digayo qataraha ka imaankara Isgaarsiinta iyo Internet-ka oo sahlaya in si fudud loo faafiyo Wararka iyo xogo aan sal iyo raad laheyn oo lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan ama lagu kiciyo bulshda.

Malaayiin u badan dhalinayaro kala duwan oo ku nool Soomaaliya  ayaa si joogto ah u istcimaamaala dhammaan Aaldahaan maalin walbe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed