Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay horjooge ka tirsan Al shabaab mid kalana nolosha ku qabteen

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay howlgal ka sameeyeen degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ay ku dileen horjoogayaal ka tirsan  Al-Shabaab, qaar kalena la qabtay.

Mid ka mid ah xubnaha  la qabtay ayaa waxaa ku jira nin si weyn looga yaqaano Degmada Ceeldheer, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabaas Garoobshe, sida ay shaacisay xukuumadda soomaaliya.

Dhinaca kale ciidamada ayaa dilay nin kale oo Shabaabka ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Ilkacase, kaas oo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa wado howlgallo ak dhana ah ururka Al shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka Galmudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed