Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen in ka badan 40 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab gobolka Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay weeraro lagu qaaday xubno ka tirsan dagaalyahannada Al shabaab kaas oo ka dhacay gobolka Galgaduud, weerarkaan ayaa lagu dilay in ka badan  43 dagaalyahan, sidoo kala waxaa lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen, sida ay shaacisay dowladda.

Howlgalladaan ayaa ka dhacay labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur bari ee gobolka Galguduud, sidoo kale qoraaalka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in la dilay xubno kale oo gurmad ahaay, halka ay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray dagaalyahannada xilligii uu dhacayay weerarkaan.

Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in weerar Al shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Daaru-Numco ee gobolka Shabeelada Dhexe in ay gaarsiiyeen jab xooggan, kana hortageen weerarkaas oo ahay mid qorsheysan.

Wararka ka imaanaya dhanka gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al shabaab, howlgalladaan ayaa soconaya deegaanno hoos yimaado degmada Ceeelbuur ee Gobolkaas.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed