Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 20 ka mid ahaa Shabaab lagu dilay Shabeellada hoose

Dowladda Soomaaliy ayaa sheegtay in ay dileen  xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaas oo ku sugnaay gobolka shabeelada dhexe sida maanta ay shaacisay wasaaraada warfaafinta dalka, taas oo faah faahi dheeraad ah ka bixisay howgalkaan lagu khaarajiyay dagaal yahannada ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibbada Caalamka ay dileen 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab xilli ay isku abaabulayeen duleedka deegaanka Baladdul Amiin ee Gobalka Shabeellada hoose.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay xarunta Wasaaradda Warfaafinta si wada jir ah ugu qabteen Ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya, Mohamed El-Amine Souef, isagoo intaa ku daray in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah A-shabaab oo ay wili wadaan Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Caalamiga ah.

Howlgalkan lagu beegsaday xubnahaan Al Shabaab ayaa dhacay iyada oo kooxdu si qarsoodi ah isugu aruursanayeen beer ku taalla duleedka deegaanka Baladudul Amiin ee gobolka Shabeellada hoose.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya sheegtay in ay waddaan howgallo xooggan oo Al-shabaab looga xorreynayo guud ahaan dalka, iyada oo ay jiraan dagaalka wajiga labaad oo si wadajir ah u wadaan Soomaaliya iyo saaxiibada taageeraya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed