Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 10 ka tirsan Al shabaab lagu dilay Jubada Dhexe isla markaana la burburiyay saldhigyadoodii

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada cirka Mareykanka, ayaa lagu soo waramayaa in howlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubada Dhexe ay ku dileen 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibadeenna amniga caalamiga ah ee Mareykanka waxay isticmaaleen howlgal qorsheysan oo si taxadar leh loo qorsheeyay si looga adkaado dagaalyahannada Al-Shabaab, howlgalkana waa lagu guuleystay.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la burburiyay qorshihii Kooxda Al-shabaab, inkastoo aysan jirin dad shacab ah oo ay waxyeello kasoo gaartay howlgalladaasi.

17-kii Bishan ayay aheyd markii Ciidamada Kumaandooska Mareykanka iyo kuwa  Mareykanka ay howlgal ka fuliyeen Gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Khaliif Daa’uud, isla markaana Al shabaab looga yaqaanay Macalin Ayman.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sii wada howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka xoreynayaan deegaanno hor leh, shalay oo kaliya ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa Galmudug iyo dad deegaanka ah oo is abaabulay ay la wareegeen tuulooyinka Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali oo hoostaga magaalada Caad. Inta uu socday howlgalka ayaa ciidamada waxa ay burburiyeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed