Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen 30 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al shabaab howlgallo ka dhacay Galgaduud

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, in ay dileen 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab, howlgallo ka dhacay deegaanno ka tirsan goblka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Deegaannada ay ay dhaceen howlgalladaan ayaa lagu sheegay Dab Xagar, Dab Qurun, oo hoos yimaado magaalada Wabxo, iyo sidoo kale Oodaale iyo Ceel Sabaax oo iyaguna ka tirsan magaalada Ceel-garas oo maalmo kahor ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, dhammaan deegaannadaas ayaa lagu tirayaa bariga gobolka Galgaduud.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri “Hawlgallo ay fuliyeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay deegaannada Dab Xagar iyo Dab Qurun oo hoos taga magaalada Wabxo iyo degaannada Oodaale iyo Ceel Sabaax oo hoos taga magaalada Ceel-Garas ayaa lagu dilay ilaa iyo 30 ka tirsan Khawaarijta”.

Hawlgalladan ayaa lagu beegsaday sidoo kale, meelo ay si qarsoodi ah iskugu uruursanayeen dagaalyahannada Al shabaab, waxaana lagu burburiyay qaraxyo iyo saanad ciidan oo halkaas lagu diyaarinaayay, sida hadalka loo dhigay.

Dhanka kale, maanta Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa duqeyn xaga cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen waxaa lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Galmudug kaas oo lagu magaacaabi jiray, Khaliif Gaambe, sida ay sheegtay wasaaradda amniga Galmudug.

Sidoo kale Weerarkaas ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen xubno kale oo ka tirsanaa Al shabaab, kuwaas oo watay gaari nuuca loo yaqaan Cabdi-bile kaas oo gabi ahaanbo gubtay, laakiinse tirada rasmiga ah xubnaha ku dhintay lama shaacin.

Dowladda Soomaaliya hoosta ka xariiqday in ay sii wadi doonaan howlgalladaan ka dhanka ah Al shabaab ee looga xorreynayo deegaannada ay ka heystaan Galmudug, maalmihii la soo dhaafay howlgallo culus ayey fulinayeen ciidamada Sirdoonka Soomaaliya iyo saaxibaada caalamiga ah, oo lala beegsanayay dhulka howdka ah ee Al shabaab ku jiraan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed