Dowladda Soomaaliya oo sheegtay 100 Al shabaab ah in ay dileen

War-Saxaafadeed xafadeed  ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgallo ka dhacay inta u dhaxeysa Shabeelada Hoose iyo Galgaduud lagu ilaa 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliyaa ayaa sidaan lagu yiri :

” Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalkaa lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga, Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe oo ay isku uruursanayeen Al-shabaab”.

Dowladda ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay ka caawiyeen ciidanka doowladda xogta Al-shabaab.

“Hawgalka waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray” Ayaa lagu yiri

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgalkan  Mareykanku ay  caawiyeen ciidanka Qaranka ay gacan ka siiyeen hawlgalkan ka dhanka ah Al-shabaab.

Hawlgalkaan wuxuu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed