Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay Tirada Dadka La Baaray Musuqa 3 Bil ee La Soo Dhaafay

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in seddexdii bil ee la soo dhaafay  40 ruux loo qabtay musuq-maasuq, xatooyo xoola dad weyne iyo ku takrifal awoowdeed, dadkaas ayaa qaarkood 18 kamid ah ayaa loo gudbiyay Maxkamad, iyada 12 shaqi ay ku socoto baaris ku aadan falalka loo heysto.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa seddexdio  bil ee lasoo dhaafay ku guuleystay in uu baaris ku sameeyo ku dhawaad afartan ruux oo ku eedeysan in ay ku kaceen falal isugu jira Musuq-maasuq, xatooyo xoolo dad weyne, ku tagrifal awoodeed iyo dayacaad masuuliyadeed, sidaas waxaa lagu daabacay Warnaahinta dowladda.

40-kaan  ruux ee baarista lagu sameeyay ayaa dhammaantood ah saraakiil dowladeed, waxaana 18 eedaysane loo gudbiyay eedoodda Maxkamadda awoodda u leh, tirada dhiman ayaa wali waxaa ku socdo Baaris dheeri ah, waxaana marka ay soo dhamaato baaristu loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh, sidaas waxaa sheegtay Xukuumadda Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe waxaa socotay baaris xooggan oo ku saabsan musuqa, iyada oo dhowr jeer Madaxda sare ee Soomaaliya ay fagaaro ka sheegeen in Musuqa uu uga daran yahay dagaalka ay kula Jiraan Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed