Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaarihii ka dashay daadadkii iyo fatahaadii ku dhufta dalka

Ka dib roobab aan kala joogsi lahayn oo loo aaneeyay El Nino iyo daadad, Soomaaliya waxaa soo food saartay xaalad aad u xun, oo 42 qof ay ku naf waayeen gobollo kala duwan oo dalka ah.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) ayaa soo saartay warbixin dhameystiran oo muujineysa saameynta baahsan ee ay ku yeelatay masiibadan dabiiciga ah, gaar ahaan afar gobol oo kala ah: Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-galbeed iyo Jubaland.

Natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay warbixinta SODMA ayaa ah in wadarta guud ee saameynta ay taagan tahay 978,986 qof, barokaca 590,897 qof.
waxaana ku dhintay 42 qof 5,321 guri ayaa sidoo kale roobabku qaadeen.

Roobabkan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa sababay burbur xooggan oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana burburay buundooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo, waxaana roobabkaasi ay sababeen burburka guryo badan.

Si looga jawaabo dhibaatadaas, ayaa waxaa shir ay isugu yimaadeen Guddiga Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, iyadoo dowladdu ay soo saartay baaq ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, waxay shacabka kula taliyeen inay ka fogaadaan meelaha u dhow webiyada, iyagoo carrabka ku adkeeyay inaan la saadaalin karin roobabka socda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed