Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay soo iibsatay diyaaradaha dagaalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay horay usoo iibsatay saannad ciidan iyo hub culus oo loogu talagalay in lagula dagaalo Al-shabaab, sidoo kale diyaaraha dagaalka ayey sheegtay in ay ay ku jirto sannada ciiidan.

La taliyaha amniga dowladda Soomaaliya,  Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab looga xorreynayo guud ahaan dalka.

Xuseen Sheekh ayaa ka dhawaajiyay in sannadkii hore dowladda Soomaaliya laga qafiifiyay  cunnaqabateyntii saarneed, loona oggolaaday in ay soo iibsan karto hubka ay doonto iyo saannad ciidan, waxaa uu sheegay in fursadaas ay ka faaiideysteen.

Ugu dambeyn waxaa sheegay in si heer sara ah loo diyaarinaayo ciimada Soomaaliya, kuwaas oo qorshuhu yahay in 2024 ay la wareegaan dhammaan ammaanka dalka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed