Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladdu ay qaadaneyso 3,000 oo macalimiin ah si kor loogu qaado tayada waxbarashada. Barre ayaa sheegay in Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ay dhawaan qaaday wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, loona baahan yahay macalimiin badan.
Xamza waxa uu tilmaamay in habka shaqaalaysiinta macalimiinta uu yahay habka ugu wanagsan ee horay loogu bartay macalimiinta ka diiwaan gashan Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare isla markaana ay tahay tartan, cadaalad iyo hufnaan ay ku jirto shaqaaleysiinta macalimiinta, si loo hubiyo in kaliya kuwa ugu tayada wanaagsa loo xushay si kor loogu qaado tayada waxbarashada dalka
“Sidaad ogtihiin Jimcihii ina dhaaftay waxa la soo gabogabeeyay Imtixaankii Dugsiyada Sare, waxaanu si habsami leh ugu soo dhamaaday dalka oo dhan. Waxay ahayd guul weyn. Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in ay bilaabato qoritaanka 3 kun oo macalin. Marka Wasaaradda Waxbarashadu ay u qaadato habka hufan oo ay hubiso kaliya, in la soo xulo musharixiinta ugu wanaagsan si kor loogu qaado tayada waxbarashada dalka sidii hore loo sameyn jiray” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay isbedel dhanka waxbarashada ah, isla markaana hindisahaan uu qeyb ka yahay sidii looga gudbi lahaa macallim la’aanta ka jirta dugsiyada dowladda.
HBN NEWS DESK