Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Al shaabaab ay ka dishay in ka badan kun iyo shan boqol oo xubnood iyo hoggaamiyaal

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay dishay 1,650 ka tirsan ururka Al-Shabaab, halka in ka badan 550 kalena ay ku dhaawacday labadii bilood ee la soo dhaafay howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ugu yaraan 19 xubnood oo ah hoggaamiyaal sare sare ayaa ka mid ahaa dagaalhannadii lagu dilay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka , sida lagu sheegay dukumentiyo ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Waa tiradii ugu badneyd ee khasaaraha Al-Shabaab ee la shaaciyo tan iyo markii howlgallada hadda socda ee ka dhanka ah kooxda ay bilowdeen dabayaaqadii sanadkii hore.
Tan iyo 2007dii, Al-Shabaab waxay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS.

Al shabaab ayaa kordhisay weerarada tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar labaad loo doortay sannadkii hore, uu ku dhawaaqay “dagaal dhan walba ah” oo ka dhan ah al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed