Dowladda Soomaaliya oo shaacisay dilka hoggaamiyaal ka tirsan Al shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa baabisay macluumaad ku saabsan dilka hoggaamiyaal ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab, howlgalkaan ayey sheegtay dowladdu in uu ahaa mid qorsheysan ayaa lagu khaarajiyay ilaa seddex xubno sare sare oo ku sugnaa gobolka Galgaduud, kuwaas oo maaganaa qorshe ka dhan ah ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan furimaha bariga Glagaduud.

Howlgalkaan oo ka dhacay galbeedka deegaanka Ceel-lahelay waxaa lagu dilay, Olol Cali Guuleed, oo ahay madaxii abaabulka ee Al shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahay kuwa lagu raad joogay sida ay shaacisay xukumadda Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in dilkaan ay gacan ka geysteen dadka deegaan oo hey’adaha ammaanka siiyay xogta ku saabsan hoggaamiyaashaan.

Si kastaba, muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ayaa wadday qorshe xooggan lagu raadinayo macluumaad ku saabsan madaxda sare ee Al shabaab ee ku sugan deegaannada Galmudug.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed