Dowladda Soomaaliya oo sameysay taariikh ku aaddan hannaankii deyn cafinta

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay hannaankii deyn cafinta, kaddib Bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad ay kula falgasho caalamka.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyeysay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo loo soo maray shaqo adag oo sanado badan qaadatay.

Hay’adda IMF ayaa sheegTay in Soomaaliya ay horyaalaan fursado badan ka dib guushan, kuwaas oo ay wax uga qaban karto horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xirfadaha dadka, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saamaynta xasilooni darrida Soomaaliya iyo isbadalka cimilada.

Biixi Iimaan Cige, wasiirka maaliyadda Soomaaliya  oo ka qaybgalay madasha go’aan qaadasha ee Soomaaliya looga cafiyey deyn gaaraysa $4.5 bilyan ayaa uga mahadceliyey Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF taageerada ay Soomaaliya ku siiyeen inay soo gaarto heerkan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed