Dowladda Soomaaliya oo saheegtay inay dileen in ka badan 60 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al shabaab

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada Caalamka ee dhanka amniga ayaa fuliyay weerar ka dhan ah kooxda Al shabaab oo lagu dilay dagaalyahanno badan sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay xukuumadda soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa lagu dilay in ka badan 60 dagaalyahannada ururka Al shabaab. Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu qaaday weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday xubnahan ka tirsan Al shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Hilow Bacaad oo qiyaastii sideed KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay Dowladda Federaalka.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda Federaalka howlgalkan oo socday muddo saacado ah ayaa ciidamada dowladda Federaalka waxa ay burburiyeen gaadiid iyo fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka Hilow Bacaad ee gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gudbin doonto khasaaraha dheeraadka ah ee soo gaaray maadaama laga yaabo in uu ka badan yahay sida ay hadalka u dhigtay, balse dowladda ma aysan shaacin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed