Dowladda Soomaaliya oo qaaday tallaaabo culus oo ku aaddan Aaladda 1XBT

Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan howlaha khamaarka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray adeegga sharadka online-ka ah ee 1XBET. Go’aanka, oo ay ku dhawaaqeen Guddiga Qaran ee La-dagaalanka Lacag-dhaqidda & Maalgelinta Argagaxisada (NAMLC) 16-kii Noofambar, ayaa ka tarjumaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay waafajiso dhaqamada maaliyadeed iyo caqiidada diinta ee qaranka iyo qaab-dhismeedka sharciga, sida ay dowladdu sheegtay.

Mamnuucidda khamaarka, oo loo arko inuu lid ku tahay dhaqanka iyo diinta waxay astaan ​​u tahay tallaabo muhiim ah oo ka mid ah dadaalka joogtada ah ee ay dowladdu ku doonayso inay ku xakameyso dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee sharci darrada ah.

1XBET, oo loo aqoonsaday inuu yahay mid ka faa’ideysanaya shacabka Soomaaliyeed, kuna xadgudbay mabaadii’da qaranka, ayaa lagu tilmaamay sharci darro.

Hay’adaha maaliyadeed, oo ay ku jiraan bangiyada iyo kuwa bixiya lacagaha moobilada ee Soomaaliya, waa inay ka baxaan wax kasta oo la xiriira 1XBET. Kuwa hadda ka hor ku lugta leh waa inay joojiyaan dhammaan adeegyada, joojiyaan xisaabaadka khuseeya, oo ay ku wargeliyaan tallaabooyinkan Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC).

Awaamiirtan ayaa daba socota tillaabooyin hore oo ay dawladda Soomaaliya isku dayday in ay mamnuucdo aaladaha sida TikTok, Telegram, iyo 1XBet, iyada oo loo cuskanayo doorkooda ku aaddan faafinta waxyaabaha aan habboonayn iyo macluumaadka khaldan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed