Dowladda Soomaaliya oo Qaadaneysa 10 Kun oo Macalin iyo Sababta oo La Sheegay

Dowladda Soomaaliyaa sheegtay in 10 kun oo macalin ay qaadan doonto seddexda sanno ee soo aadan, kuwaas oo loo diyaarin doono mustaqbalka waxbarashada Soomaaliya, si loo helo macalimiin tayo sare leh kuwaas oo mushaaraadkoodu ay bixin doonto dowladdu.

Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh ayaa ka dhawaajiyay in dowladdiisu ay qaadan doonto 10 kun oo macalin, waxaa uu sheegay in qorshahaas ay ku dhawaqaaqi doonaan seddexda sanno soo socoto, macalimintaas ayaa laga howl galin doonaa Iskuuladda ku yeel dalka, Xasan Sheekh ayaa ballan qaaday in in sannad walbe qaadan doonaan 3 kun oo macalin.

Waxaa intaas raaciyay in 10 kaas kun aysan ku filneyn baahida waxbarasho ee dalka balse ay tahay bilaaw wanaagsan, dowladduna ay ku dadaali doonto inta ay awooddo in ay daboosho baahiyaha dad weynaha gaar ahaan waxbarashada,  maaddaama ay tabbar ahaaan aad u liidato sida uu ku hadlay madaxweynaha.

In ka badan 4 milyan oo carruur ah ayaa gareen heerka waxbarashada sannadkaan 2023 sida uu shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo u baahan waxbarasho, asiga oo xusay in 3 kun oo macalimiin ah oo ay horay dowladdu u shaqaaleysiisay aysan waxbo ka tari karin carruurtaas u baahan in la dhiso mustaqbalkooda.

Si kastaba, waa markii ugu horreysay oo tiro intaas la eg oo macalimiin ah ay shaaciso in ay dowladdu qadan doonto taniyo burburkii dolwaddii dhexe ee Siyaad Barre, dhawaan Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa qaadatay 3 kun oo macalin sannadkaan 2023, kuwaas oo toos uga qaadan doono xuquuqdooda dowladda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed