Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ka furtay munaasabadda furitaanka toddobaadka kalluumeysiga Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay munaasabadda furitaanka toddobaadka kalluumeysiga Soomaaliya oo lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, munaasabad lagu xusayay kheyraadka badda, laguna xusayo kaluumaysatada iyo haweenka dadaalka badan ee horumarka u horseedaya bulshada ku dhaqan xeebaha.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhinacyo badan oo dhanka kalluumeysiga ah u horumarisay oo ay ka mid tahay in dowladda Cumaan ay la saxiixato heshiis lagu hormarinayo kalluumeysiga Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo suuqgeynta wax soo saarka kalluunka.

Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa ka gudbaya caqabado dhowr ah oo soo wajahday, kaddib markii dhallinyaro taageero ka helaysa dowladda ay bilaabeen olole ka dhan ah qashinka  lagu daadiyo xeebaha caasimadda Muqdisho, taasoo kobcinaysa sarana u qaadeysa bilicda & caafimaadka aagga xeebaha caasimadda.

Ololaha deegaanka ayaa ahmiyad weyn u leh dowladda federaalka Soomaaliya, oo wajaheysa caqabado waaweyn oo la xiriira isbeddelka cimilada iyo abaaraha.

Horumarinta Kaabayaasha Kalluumaysigu waxa ay mudnaan siin doontaa dhismaha iyo tayeynta warshadaynta, xarumaha kaydinta, iyo hababka gaadiidka. Tani waxay xaqiijin doontaa in wax soo saarka kalluunka si hufan loo farsameeyo loona qaybiyo gudaha Soomaaliya iyo suuqyada caalamiga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed