Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay ammaanka deegaanka Xananbuure oo martigelisay dagaal beeleedyo culus

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud oo muddo ay isku hor fadhiyeen Maleyshiyo beeleed ka soo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waxaana ay soo saareen saraakisiha ciidamadu awaamir amniga lagu adkeynayo, oo halkaas laga dhaqan galinayo.

Waxaa laga Mamnuucay magaalada in Hub lagu dhex qaato marka laga reebo Laamaha Ammaanka, mas’uuliyiin ka socota Maamullada labada magaalo ayaa ku sugan magaaladaas iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka.

Deegaanka waxaa Ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur dad tiro yar ayaa ku sugan waxaana ay odayaasha deegaanku soo dhaweeyeen talaabadda dowladdu ciidamada ku geysay halkaas..

Xanbuure ayaa martigeliyay dagaal beeleeydo culus oo sababay khasaaro isku jiro mid nafteed iyo maal, tas oo si xun u saameysay deegaanka muddooyinkii la soo dhaafay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed