Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaadatay safiirrada beesha caalamka, si ay uga warbixiyaan mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan xad-gudubka ay Itoobiya ku hayso dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali Balcad, ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in kulanka uu ujeedkiisu ahaa sidii loo gaarsiin lahaa go’aanka dowladda ee ku aadan falkii sharci darrada ahaa ee uu ku kacay maamulka Addis Ababa, sida lagu sheegay bayaanka.
Arrintaan ayaa imaaneyso iyada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, uu Tallaabooyin dublamaasiyadeed oo xiriir ah, oo dhanka taleefanka ah la yeeshay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi iyo Amiirka Qatar, Tamim Bin Hamad. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga wadajirka ah, iyo wax ka qabashada arrimaha gobolka gobolka.
HBN NEWS DESK