Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo tagay Kuufurta Suudaan ayaa kulan la yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ka cararay dagaalada dalka Suudaan, kullankaan ayaa midkii ugu horeyay taniyo markii ay bilaawdeen Colaadaha Suudaan.
Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka koonfurta Sudan Danjire Cabdikariim Xaaji Cumar Cameey oo uu wehliyo Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Xamse Aadan Xaadow ayaa la kulmay 102 qof kuwaas oo u badan arday, waxayna ka soo carareen Dalka Suudaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa wata dadaalo lagu soo samata-bixinaayo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku bara baxay dagaalka Sudan ka socda.
HBN News Desk