Dowladda Soomaaliya oo ku biirtay dalalka Cambaareyay duqeynta Israa’iil ee marinka Qasa

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay Isbitaalka Ahli Baptist ee magaalada Gaza, kaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 500 oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Hadal uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayuu ku sheegay inay aad uga xun yihiin, isla markaana ay garab taagan yihiin shacabka reer Falastiin, oo ay la kulmayaan gardarada arxan darada ah ee ay ku hayaan ciidamada Israel. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dambiyadan ka dhanka ah bini’aadantinimada ee Israa’iil, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha iyo in xal waara laga gaaro colaadda.

Duqeyn aan kala sooc laheyn ayey diyaaradaha Israa’iil ka wadaa marinka Qasa, iyada oo dhimashada lagu sheegay in ah dhaaftay ilaa 3,000 kun oo ruux, halka dhaawacayadana ay gaareyso ilaa 11,000 sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee Falastiin.

Dowladdo badan ahaa cambaareeyay oo ku yaal bariga dhexe, iyada oo waddamo badan oo Islaam ah ay ka socdaan bannaanbaxo xooggan kuwaas oo ilaa xalay dhigayay muddoharaadyo ka dhan ah Israa’iil.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed