Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarun ciidan oo ku taal Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo uu fuliyay qof naftiis halige ah, oo isku soo xiray waxbaahaya qarxa.

Ciidamada Xoogga ayaa maanta oo Isniin ah fashiliyay weerar qaraxyo ah oo lagu qaaday xarunta dugsiga Jaalle Siyaad ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kadib weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta ciidamada oo halkaas ku taal.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ciidanka ay toogteen ninkii weerarka soo qaaday ka hor inta uusan isku qarxin albaabka, iyadoo sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka.

Al shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, isla markaana ay ku dileen ku dhawaad 8 askari oo ka tirsanaa ciidanka, balse sooma bandhigin cadeymo muujinaya sheegashadooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed