Dowladda Soomaaliya oo joojisay keenista Boota Bajaajta.

Dowladaa Soomaaliya ayaa joojisay gabi ahaanba moota Bajaajta in dalka la keeno ilaa amar dambe, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay ayaa soo saaray Xannibaadaan lagu soo rogay nuuc kaste oo mooto ah in dalka la keeno.

War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 1-da bisha April  ee sannadkaan 2023 la joojiyay in dalka la keeno wax bajaaj ah.

Arrintaan ayey u sababeeyeen Amnidarradii dhacday bilihii la soo dhaafay kadib markii dhowr Wade bajaaj lagu dilay Muqdisho iyo Amniga Gobolka Banaadir oo faraha ka baxay.

Qodobada laga soo Saaray halkaan Ka Akhriso:

1- Laga bilaa. 1-da bisha April in Gaadiidka Bajaajta aanan la keeni karin dalka guud ahaan ilaa amar dambe.

2- Laga bilaabo 1-da April 2023 waa in Dhammaan la tiro koobo gaadiida Bajaajleyda ah Loona Sameeyo Simad ama Calaamad lagu diinwaan galiyo.

3- In aanan la siin karin ruqsada gadiid wadista qof ka yar 18  sanno.

4- Laga bilaabo 1-da bisha May waxaa la joojinayaa bixinta Taarikadaa Moota Bajaajta ilaa Amar dambe.

HB N News Desk

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed