Dowladda Soomaaliya oo gargaarkii ugu horreyay u dirtay magaalada Beledweyne

Gargaarkii ugu horeeyay ee loo fidiyay dadka ay saameeyeen fatahaada webiga Shabeelle ayaa  gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib fatabaado culus oo sameeyay magaaladaas.

Hay’adda ka hortagga masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaarad siday 7 tan oo gargaar ah ay u dirtay magaalada Beledweyne. Intaa waxaa dheer, saddex diyaaradood oo kale oo sida sahay cunto dheeri ah ayaa loo diri doonaa magaalada saacadaha soo socda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo deeqdan ka guddoomay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliifa ayaa ku nuux-nuux saday in hal ama labo diyaaradood oo sida raashinka aysan ku filneyn inay daboolaan baahida dadka tirada badan ee ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed