Dowladda Soomaaliya oo gargaar u dirtay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ee SODMA ayaa gurmad u dirtay degmada Jalalaqsi iyo deegaanada hoos yimaada, si wax looga qabto xaaladaha adag ee ka jira degmadaasi iyo nawaaxigeeda.

Ku dhawaad ​​30 baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa safar dhulka ah ku tagaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in lagu taakuleeyo qoysaskii ku barakacay fatahaadda wabiga Shabeelle.

Dadka ku nool degmada Jalalaqsi ee degmada Jalalaqsi iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa waxaa soo food saartay nolol aad u adag oo ka dhalatay fatahaad uu wabiga Shabeelle ka sameeyay magaaladaas iyo nawaaxigeeda kadib markii uu wabiga jabsaday qarqarada.

Gargaarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii gudoomiyaha degmadaasi Nuur Dheere uu sheegay in dadka ku nool degmada Jalalaqsi iyo nawaaxigeeda ay ku sugan yihiin xaalado adag oo ay u baahan yihiin in lala soo gaaro gurmad deg deg ah oo dhanka nolosha ah.

Hay’adda SODMA ayaa si deg deg ah uga jawaabtay dhibaatada ka taagan degmada Jalalaqsi iyo tuulooyinka hoos yimaada ee gobolka Hiiraan, waxayna gurmad u dirtay qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed