Dowladda Soomaaliya oo gargaar gaarsiiyay magaalada Laascaanood

Hay’adda Ka Hortagga Masiibooyinka Soomaaliya  ayaa 500 oo Tan oo Raashin ah gaarsiisay shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo ka barakacay colaadihii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada.

Raashinkan mucaawinada ah ayaa qayb ka ah gurmadyo ay hay’adda SDMA ka waday magaalada Laascaanood tan iyo markii ay dagaaladu ka qarxeen magaalada Laascaanood ee u dhaxayay Somaliland iyo Laascaanood.

Maamulka kumeelgaarka ah ee Khhaatuuno iyo maamulka degmada Laascaanood ayaa si weyn uga mahadceliyey deeqdan lacageed ee ay soo gaarsiisay hay’adda SDMA, waxaana ay ku booriyeen hay’adaha kale ee samafalka inay ku daydaan.

Colaadda Laascaanood ayaa sababtay barakaca kumanaan qof, waxaana hakad galay adeegyada aasaasiga ah iyo nolosha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed