Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay deegaann muhiim ah oo ku yaal gobolka Mudug

Ciidanka dowladda Soomaaliya  oo kaashanaya ciidanka Galmudug iyo kuwa deegaanka ee Macawsleyda ayaa la wareegay deegaanka deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug.

Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.

Kooxda Al shabaab ayaa joogtay deegaankaan kuwaas oo iskaga baxay markii ay ka war heleen in ciidamada isku dhafka ah ay ku soo wajahan yihiin, isla markaana u yaacay dhanja howdka ee deegaanka.

Saraakiisha ayaa sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgalladan ka dhanka ah ururka Al shabaab ee ku sugan gobolka Mudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed