Dowladda Soomaaliya oo gacan ka heleysa Mareykanka oo horjooge ka tirsan Al shabaab ku dishay Jubbada Dhexe

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa ku guuleystay howlgal ka dhacay ee gobolka Jubbada dhexe isla markaana lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkan ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka ayaa la beegsaday horjoogahan Al shabaab u qaabilsanaa howlgallada hubeysan ee ay kooxdaasi ka fuliso gobolka.

Dowladda ayaa sidoo kale xaqiijineysa in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah oo ka dhashay howlgalkaasi.

Dawladdu waxay sidoo kale ku boorinaysaa beesha caalamka inay sii wadaan taageerada iyo taageerada dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed