Dowladda Soomaaliya oo Fashilisay Qaraxyo Lagu diyaariyay Muqdisho

Dowaldda Soomaaliya  ayaa sheegtay in 6-dii Bishan May Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay fashiliyeen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ciidamadu gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay sida dowladdu sheegtay, shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay la socotay dhaqdhaaqa Al-shabaab ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka uu fashiliyo weerarka ay Alshabaab ay damacsanaayeen.

HBN News  Desk, Muqdisho 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed