Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay dil loo geystay hoggaamiye sare o dhawaan la dilay

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab.

Bayaanka ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay horjooge Macalin Ayman”

Hawlgalkan oo dhacay 17-kii bishaan December, waxaa uu ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Horjoogaha la dilay Macalin Ayman wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo ku lug yeeshay dagaallo dhacay oo uu soo abaabulay, kuwaas oo ka dhacay gudaha iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri ” Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah”.

Dowladda ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah kooxda Al shabaab, gaar ahaan hoggaamiyaasha sare.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed