Dowladda Soomaaliya oo diiday war kasoo baxay IGAD ee Itoobiya, isla markaana dalbatay raaligelin iyo in laga laabto

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga xumaatay hadal dhawaan kasoo yeeray Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ee ku aadanaa xiriirka ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo  Itoobiya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ku qanacsaneyn hadal uu soo saaray xoghayaha guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2019. Waxa uu ahaa wasiirka gaadiidka intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2016., kaasoo mar sii horreysay warsaxaafadeed ka soo saaray is-beddellada diblomaasiyadeed ee u dambeeyay, waxaana uu yiri ” labada dal ee walaalaha ah inay iska kaashadaan sidii xal nabadeed oo wadajir ah loogu dhameyn lahaa xaaladda, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya ururka IGAD”

Qoraalk ka  soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid nasiib darro ah lagu cambaareynayo dowladda Itoobiya oo ku xad-gudbatay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ka soo horjeeda mabaadi’da aasaasiga ah ee UN, AU, IGAD iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku khilaafsan nuxurka qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Fulinta, waxayna u aragtaa mid lagu taageerayo dowladda Itoobiya. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Xoghayaha Fulinta inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo, kana laabto hadalkaas, isla markaana uu qaado tallaabada ku habboon.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay fahamsan tahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, waxayna mar walba si firfircoon uga qaybqaadataa dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo isdhexgalka gobolka IGAD.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed