Sida ay sheegayaan ilo wareedyo oo ah saraakiil iyo ma’suuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale abaabulaya dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Xukuumadu waayadan danbe waxa ay wajaheysay dib u dhac ku yimid dagaalka ay kula jirto kooxdaasi, waxaana ay dardar galinaysaa dadaalada ay ku cirib tireyso khatarta ay ku hayaan dalka.
Qorshahan ayaa ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu bishan April ka dhoofo magaalada Muqdisho, uuna u socdaalo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Tallaabadan istaraatiijiga ah ayaa madaxweynaha u ogolaaneysa in uu si gaar ah diiradda u saaro howlgallada ciidamada iyadoo aan la carqaladeyn howlaha kale ee maamulka.
Duulaanka soo socda ee loo yaqaan “Howlgalka Bacdul Ramadaan” ayaa muhiimad weyn u leh dowladda Soomaaliya. Waxay ka dhigan tahay ballan-qaad cusub oo lagula dagaallamayo kooxda Al shabaab laguna soo celinayo nabadda iyo xasilloonida gobollada dhexe ee dalka.
La-taliyayaasha Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in si deg deg ah loo abaabulo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda deegaanada Galmudug. Dowladaha taageero Soomaaliya ayaa ballan qaaday inay bixin doonto taageero, iyadoo ballan qaaday inay beegsan doonaan goobaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka.
HBN NEWS DESK