Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Somaliland kaddib markii ay xirtay dad shacab ah iyo warbaaahin kuwaas oo ka hadlauy hishiiskii Itoobiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabadii ay Somaliland ku qaaday qaar ka mid ah dadkii ka soo horjeeday heshiiskii badda ee uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi dhawaan kula saxiixday magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso isku dayga ay Somaliland ku dooneyso in ay ku aamusiso saxaafadda iyo dadka ku nool Gobollada Waqooyi.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya kuma faraxsana falalka arxan darrada ah ee maamulka Somaliland ku doonayo inuu ku aamusiyo saxaafadda iyo shacabka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka oo ka dhiidhiyay heshiiskii sharci-darrada ahaa ee lagu xad-gudbay Qaranimada iyo Sharafta Qaranka Soomaaliyeed ee u dhexeeyay Gobolka Somaliland iyo dawladda Itoobiya,” ayaa lagu yidhi qaybo ka mid ah war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, wararka laga helayo dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in caburinta Somaliland ay ku hayso suxufiyiinta iyo dadka deegaannadaas kasoo horjeeda heshiiska sharci-darrada ah ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay tahay xad-gudub labaad.

“In la beegsado saxafi iyo hay’ad warbaahineed oo soo tebisay wararka iyo xaqiiqada dhabta ah ee ciidamada Somaliland waa nasiib darro, waxaanay taasi muujinaysaa heerka uu marayo xad-gudubyada xuquuqal insaanka iyo ilaalinta sharciga, dareenka waddaniyadda iyo jacaylka ay u qabaan dalka, dadka Gobollada waqooyi lama caburin karo, lamana aamusin karo, waxayna sii xoojinaysaa oo kor u qaadaysa waddaniyadda iyo jacaylka ay dadka dalkooda u qabaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saareen. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Laamaha amaanka Somaliland ayaa looga digay inay dhaqan galiyaan heshiiska sharci darada ah ee ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo lagu tilmaamay mid halis ah.

“Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha ammaanka ee maamulka Somaliland inay ka waantoobaan taageerada iyo fulinta heshiiska sharci darrada ah iyo damaca Itoobiya ee ah inay dhul iyo bad ka qaadato Somaliland oo khatar ku ah aayaha iyo sharafta shacabka ku nool gobollada Waqooyi. guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Heshiiska ay Somaliland ku ogolaatay in Dekedda Badda Cas laga kireeyo Itoobiya, ayaa dowladda  Soomaaliya ka carootay, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad u sheegay marnaba aysan ka tanaasuleyn taako kamid ah dhulka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed