Dowladda Soomaaliya oo baareysa lunsashada gargaarka loogu talagalay dalka kadib warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay

Xafiiska Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa mar kale xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in baaritaan lagu sameeyo natiijada ka soo baxday warbixintii gudaha ee dhawaan Qaramada Midoobay ay ka soo saartay dhacdooyinka suurtagalka ah ee ku aadan leexsashada gargaarka.

Qaramada Midoobay iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya waxay samaysteen guddi-hawleed wadajir ah oo soo saari doona istaraatiijiyad wadajir ah si loo yareeyo leexinta gargaarka bini aaddanimada ee loogu talagalay Soomaaliya.

“Ka leexinta gargaarka waxay wiiqaysaa waxtarka iyo hufnaanta hawlaha bani’aadamnimada, taas oo meesha ka saaraysa kalsoonida shacabka ee dadaalladayada wadajirka ah.” Natiijooyinka hordhaca ah ee warbixinta Qaramada Midoobay ayaa muujinaya daciifnimada nidaamka qaybinta bani’aadamnimada ee hadda jira; sidaas darteed, waa in aan ku dadaalnaa hab cusub oo hubinaya hufnaanta, yaraynaysana dhawr lakab oo qandaraas-hoosaad ah, ayuu yiri Guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macallin.

Macaluul daran ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya, saaxiibada beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda. Korodhka maalgelinta bini’aadantinimada ee 2022 ayaa door muhiim ah ka ciyaartay badbaadinta nolosha kumannaanka dadka ugu nugul dalka.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in ‘shirkadda’ gargaarka bini’aadantinimo ay soddonkii sano ee la soo dhaafay ku shaqaynaysay si ka baxsan kanaalada dawladda iyada oo hay’adaha caalamiga ah ay hormuud ka yihiin habka qaabaynta iyo hirgelinta. Qaabka mucaawinooyinka ee hadda jira waa qaab ‘dhaxal-gal’ ah oo laga soo minguuriyay xilligii dowlad la’aanta, mana aha mid ku habboon in ummadda Soomaaliyeed ee hadda jirta ay kaalin muuqata ka qaadato gaarsiinta hantida guud ee dalka, ayaa lagu yiir bayaaan ka soo nacay SODMA.

QM waxay DFS siisay warbixin kooban oo ku saabsan natiijooyinkii muhiimka ahaa iyo talooyin bishii Luulyo 2023, balse ilaa hadda dowladdu ma helin xog gaar ah oo ku saabsan goobaha, cadadka iyo hay’adaha ku lugta leh eedeymaha gargaarka loo leexiyay. DFS waxaa ka go’an in ay ku shaqeyso nidaamka sharciga ah si ay u baarto, uguna maxkamadeyso dadka ku lugta leh leexinta gargaarka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed