Dowladda Soomaaliya oo Amar Culus Dul-dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Hey’adda Isgaarsiing Qarank oo amar Culus dul-dhigay Shirkadaha Isgaarsiinta  Soomaaliya, qoraal ay soo sareen ayey ku sheegeen go’aannada Guddiga ka hor-tagga Lacag dhaqidda iyo La dagaallanka Maagelinta Argagixisada.

Bayaan ayaa horay usoo baxay bishii 2-aad 14/2023, go’aannadaas ayaa quseeyay qaar kamid ah  shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, kaas oo lagu amray in sid deg deg ah ay u fuliyaan.

Hey’addu  waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro qeybahooda kala duwan ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.  Sidoo kalena ay hubiyaan adeegyada lacagaha mobile-lada la iskuguo diro una hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed