Dowladda Soomaaliya ka hadashay tirada dadkii ku dhintay daadad ka dhashay roobabkii da’ay

In ka badan toban qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobabkii da’ay ee Soomaaliya usbuucii la soo dhaafay, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo booqday xarunta Hay’adda ka hortagga masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay roobabka Elnino, kuwaas oo naf iyo maalba leh halis ay ku jiraan.

Fatahaadaha oo ka dhashay bararka Wabiga Jubba ayaa saameyn xoogan ku yeeshay degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland sida Doolow, Baardheere, Garbahaarey, Luuq, Buurdhuubo iyo Jamaame.

Maamul goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in saddex qof ay ku naf waayeen roobab mahiigaan ah oo maalin ka hor ka da’ay magaalada Gaalkacyo, waxaana maamulka uu walaac ka muujiyay in khasaaraha dhabta ah uu intaasi ka badan karo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay si firfircoon uga shaqeyneyso sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka.

Daadadkan ayaa yimid ka dib abaartii ugu darneyd ee muddo afartan sano ah soo marta kadib shan xilli roobaad oo baaqday, taasi oo baabi’isay xoolihii iyo dalagyadii beeraha, maaddaama ay adag tahay inay u adkeystaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed