Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Dariska ah Ka Shiraya Wajiga Labaad ee Dagaalka Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Waddamada dariska ah ee ka qeyb galaya dagaalka ka dhanka ah Al  Shabaab ayaa shir uga furmay magaalada Muqdisho, shirkaan ayaa lagu lafagurayaa wajiga labaad ee dagaalka dalka looga saaraayo AS.

Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo looga hadlayo isku dubaridka howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

U jeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu bilaabo wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta dalka, kaas oo ay ka qeybgali doonaan ciidamada dalalka dariska.

Shirkaan oo sadex maalin socon doona ayaa waxaa furey, wasiirka gaashaandhigga JFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyadoo ay ka qeybgaleen wasiirada, arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya wasiirada amniga dowladda goboleedyada oo lagu casuumay,Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed