Dowladda Soomaaliya doomaha dheereeya u daad gureysay deegaannada uu ku fatahay Wabiga Jubba

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka  Soomaaliyed ee SoDMA oo gacan ka geysaneysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland, kuwaas  oo wajahaya   roobab  wato daadad iyo fatahaad ee ka dashay sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere .

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah.

Sidoo kale hay’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira Raashin,Dhar iyo Daawo waxaana lagu wadaa in dhawaan la gaarsiiyo.

Iyadoo la gaarsinayo degmoyinka iyo deeganada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doon nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada luuq.

Si kastaba, dadka ku nool gobolada Gedo, Bakool, Baay, iyo Hiiraan ayaa waxaa sameyn ku yeeshay roobabkii da’ay kuwaas oo wili go’doonsan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed