Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen ku dhawaad 30 Al Shabaab ah oo ay ku jiraan Ajaanib

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa  howgal ka sameeyeen deegaano dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool waxa ay ku dileen 25 ka mid ah Al-shabaab, kuwaas oo isku diyaarinayey  howgallo iyo abaabul xooggan, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Howlgalkaas waxaa sidoo kale lagu dilay 5 kamid ah Ajaanib ka tirsaneed Al-shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa  gobolka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Waajib Maxamed Macalin yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  dhimashada xubnahaas ka tirsanaa Al-shabaab khawaarijta oo ay ku jiraan ajaanibta.

Dhanka kale dowladdu waxaa ay xustay in dhaawacyo ay gaarsiiyeen dagaal yahanno ka tirsan Al-shabaab markii uu dhacayay howgalkaan.

Saraakiisha ayaa sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgaladaan ka dhanka ah Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed