Dowladda Soomaaliya: 48 saac gudahood waxan dilnay in ka badan 120 ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka in 48-dii saac ee lasoo dhaafay 17 howlgal oo ay ka sameeyeen deegaanada maamulka Galmudug ay ku dileen in ka badan 120 ka tirsanAl-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa sheegay in ciidanku ay sameeyeen 17 howlgal oo kala duwan, islamarkaana ay ku dileen in ka badan 120 ka mid ah dagaallamayaasha Al shabaab.

Wasiir ku xigeenka Al Cadaala ayaa tilmaamay in socdaalka furimaha dagaalka ay ku wehliyaan Xildhibaano, Wasiiro, Ganacsato, iyo mas’uuliyiin kale, si ay ugu dhiiradaan ciidamada iyo dagaalyahanada deegaanka si looga ciribtiro ee Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug iyo dalka oo dhan.

Al Cadaala ayaa ka codsaday askarta inay ku ekaadaan boosaskooda oo ay la dagaalamaan argagixisada inta ay dalka ka saarayaan, isagoo ku dhiirageliyay dagaalyahanada iyo ciidamada geesiyaasha ah inaysan dib ugu soo laaban guryahooda ka hor inta aan la cirib tirin dhammaan Soomaaliya Al shabaab.]

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed