Dowladda Ruushka oo gargaar ka soo dejisay magaalada Muqdisho iyo faah faahin laga bixiyay

Si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhashay fatahaadahii iyo roobabkii ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay la wareegtay shixnad gargaar ah oo ka timid dalka Ruushka,. Gargaarkan oo gaaraya 25,000 oo tan ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Daadadka, oo loo aaneynayo ifafaalaha El Niño, ayaa galaaftay 101 qof, waxaana ku barakacay in ka badan 1 milyan oo qof, waxayna saameeyeen 2.5 milyan oo qof oo ku nool dalka oo dhan, waxana ugu daran gobolada Gedo, Jubbooyinka, Bakool, Baay, iyo gobolka Hiiraan, deegannadaas ayaa waxaa ka jirto nolol aad u adag.

Shixnadda gargaarka ah ee ka timid dalka Ruushka, ayay mas’uuliyiinta dowladdu sheegeen markii lagu wareejinayay deeqdan inay tahay tallaabo muhiim ah oo wax looga qabanayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Munaasabadda deeqda lagu wareejinayay ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Ruushka ay iska kaashanayaan sidii loo caawin lahaa xilligan adag, dadka dhibaateysan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed