Dowladda oo si buuxda ula wareegtay magaalada Camaara ee gobolka Mudug

War ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ay si buuxda ula wareegeen magaalada Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al shabaab, balse maanta ayaa looga saaray cudud millateri.

“Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in magaalada si buuxda loola wareegay ka dib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda.

Camaara ayaa ku biireysa ku dhawaad 10 deegaan oo ururka Al shabaab laga saaray maalmihii la soo dhaafay, kaidb markii ciidamada isku dhafka ah ay fuliyeen howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al shabaab.

Shalay iyo doraad ayey aheyd markii dowladdu ay gacanta ku dhigtay Bacaadweyn, Qaycad, Qodqod, Sargo iyo  dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara oo ka wada gobolka Mudug.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed