Dowladda oo sheegtay in 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab ay ku dileen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgallo ka dhacay gobolka Mudug ay ku dishay 30 xubnood oo ka tirsan ururka Al shabaab, howlgalkaas ayaa waxaa fuliyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaas oo hoostaga magaalada Camaar, ayuu ka dhacay weerarkaan lala beegsaday Al shabaab, dowladdu waxaa ay intaas raacisay in khasaaro kale oo isku jiro burburin fariisimo ay lahaayeen dagaalyahannadu in loo geystay iyo sidoo kale waxaa ay gacanta ku dhigeen 2 gawaari oo ay wateen, halka ay gubeen 4 kale, sida lagu sheegay bayaanka dowladda.

Faah faahin halkaan ka akhriso:

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed